7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo lamaane katirsan Daacish ku riday 15 sano oo xabsi ah
 

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta  xukun min 15 sano oo xabsi ah ku riday Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, oo lagu helay inay katirsan yihiin kooxda Daacish iyo sameynta qaraxyada.

Labadan qof oo loo sheegay inay ahaayeen Lamaane ama labo qof oo isqaba, ayay maxkamaddu sheegtay in Dayib Macalin Maxamed Xasan lagusoo qabtay agabka waxyaabaha qaraxa iyo qarax la diyaariyay.

Halka Xaliimo Cabdi Mursal lagu helay inay qaabilsanayd soo dhawaynta dagaalamayaasha Daacish iyo kaydinta hubka ay dhibaatada ku gaysanayaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda ka hor caddeeyay in labada eedeysane ay is qabeen laakiin ay isku guursadeen magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Shantii bishii May, ayaa labadan qof lagu xeray xabsiga dhexe Garsuge ahaan, isla xilligaas garsoorka ayaa ka dalbaday xeer Ilaalinta in ay la yimaadaan caddaymo dhamaystiran oo lagu maxkamadayn karo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]