7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Waa kuma Xamsa Cabdi Barre, Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya?
 

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa muddo bil ah kadib doorashadiisii waxaa uu si rasmi ah xilka raysal wasaaraha Soomaaliya ugu magacaabay Xamse Cabdi Barre oo katirsan barlamaanka Soomaaliya iyo xisbigiisa UPD.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in raysal wasaaraha cusubi uu yahay qofka ugu mudan ee kasoo bixi karo xilkan iyo siyaasadiisa ku aadan Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Madaxweynaha ayaa barlamaanka ugu baaqay inay si degdeg ah u meel mariyaan raysal wasaaraha cusub, si dalka uu u yeesho xukuumad cusub oo dalka ka saarta kala guurta.

Haddaba Waa kuma ra''isal wasaaraha cusub?

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970.

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga hoose, dhex iyo sare waxa uu ku qaatay gudaha dalka. Jaamacadda heerka koowaad waxa uu kusoo dhigtay waddanka Yemen, halka shahaadada heerka labaad uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysia.

Hadda waa xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ah ee Soomaaliya, oo laga soo doortay Jubbaland.

Wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee uu hoggaanka uu u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu horay uga soo noqday xoghayaha guud ee xisbigaas.

Magaciisa waxa uu si wayn u soo shaac-baxay markii uu noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee Jubbaland, intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2020-kii.

Intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2015-kii waxa uu la-taliyaha dhinaca maamulka ah u ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ee xilligaas, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Howlaha kale ee uu Xamsa soo qabtay waxaa ka mid ah in uu la-taliye sare kasoo noqday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Federaaleynta.

Xamsa ayaa xilka kala wareegaya Raysul wasaare Rooble oo hadda ah raysul wasaaraha xil-gaarsiinta ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]