7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Guddoomiye Xirsi: Madaxweynuhu haduu doorasho doonayo diyaar garow ayuu samayn lahaa
 

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa markale sheegay in madaxweyne Biixi aanu daacad ka ahayn qabashada doorashada madaxtooyada.

Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Universal, ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in aanu hayn wadadii doorashada lagu qaban lahaa, wuxuuna markale ku eedeeyay in uu masuul ka ahaa burburka guddidii hore ee doorashooyinka.

"Hadii uu doorasho doonayo, u diyaar garowgii doorashada ayuu qaban lahaa, markaa ficilka iyo hadalkiisu isma waafaq sana, ilaa iyo hada ficilkii uu doorashada ku qaban lahaa, koomiishankii horena wuu kala diray kii kalena lama ansixin" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi waxa uu sheegay in wakhtigii iyo jadwalkii guddidii hore ee doorashooyinku u dajisay qaban qaabada doorashada lasoo dhaafay lakiin hadii ay xukuumadu daacad ka noqoto qabashada doorashada madaxtooyada oo labada dhinac iska afgartaan wakhti kooban lagu dhamayn karo howlaha.

Xukuumada Somaliland ayaa qorshaysay in doorashada urrurada siyaasada laga soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada, taasi oo axsaabta mucaaradku u arkaan shirqool uu madaxweynuhu ku doonayo in uu ku burburiyo mucaaradka iyo in uu mudada ku dheeraysto.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]