5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2022
Proff: Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad: Waa in raysal wasaare Rooble lagula xisaabtamo afduubkii la ii geystay
 

Isniin, Juun, 13, 2022 (HOL) - Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah agaasimaha fulinta ee Machadka Daraasaadka Istiraatiijiyadda ee Geeska Afrika, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh inuu furo baaritaan ku saabsan afduubkiisii sannadkii hore loo geystay.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa sheegay inuu walaac ku abuuray waraysi uu Fahad Yaasiin kaga hadlay af-duubkiisii, wareysigaas oo Fahad uu ku sheegay in raysal wasaare Rooble uu ka dambeeyay afduubkiisa, sida uu isagu sheegay.

Fahad Yaasiin ayaa doraad sheegay in uu hayo macluumaad badan oo ku saabsan afduubkaas, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhibbanaha la wadaago afduubkiisa iyo qorshaha laga lahaa.

Proff: Cabdiwahaab wuxuu sheegay inuu ka welwelsan yahay in uusan weli garanayn in naftiisu ay khatar ku jirto iyo in kale. Wuxuuna sheegay in raysal wasaare Rooble lagula xisaabtamo afduubka loo geystay.

“Waxaan ka codsanayaa dawladda Iswiidhan in ay ka qayb qaadato raadinta caddaaladda, iyada oo la tixgelinayo in kiiskaan uu quseeyo mid kamid ah muwaadiniinteeda,” ayuu yiri Proff. Cabdiwahaab.

Wuxuu Kenya ugu baaqay inay sugto ammaanka isaga iyo qoyskiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]