7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Qeybo ka mid ah Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo xiran
 

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xirxiray goobahooda ganasiga iyo waliba qaar ka mid ah ganacsatada.

Ilaa sagaal ruux oo ka mid ah ganacsatada keenta qalabka dhismaha ayaa la sheegay in lagu xirxiray xabsiyo ku yaala saldhigyada degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay iney diideen bixinta lacago lagu sheegay canshuur oo ay weydiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen inaysan garaneen lacagaha laga doonayo, iyagoo tlmaamay iney horay u dhiibeen dhamaan waxii canshuur ah ee looga baahna.

"Dhamaan goobahii ganacsiga ee ku yaalay wadooyinka loo yaqaano Howlwadaag iyo Aadan Cadde ama jid Mareexaan waa kuwa xiran oo waxaa xirxiray ciidamo ka tirsan dowladda, waxay sidoo kale qaab afduub ahaan u xirteen ilaa 9 ruux oo ka mid ah ganacsatada suuqa, wasaaradda Maaliyadda waxaan ugu baaqeyna in arintaan ay soo faragaliso inaga wax Canshuur ah naguma baaqato" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada waxay sidoo kale tilmaamen in sanad waliba sidaan oo kale looga xirxiro goobahooda ganacsiga, iyaga oo si sax ah u dhiiba dhamaan Canshuurta laga rabo oo ay sheegeen  inay ku bixiyaan gudaha dekada weyn ee magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan garanen canshuurta kale ee laga rabo in laga qaado.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online