4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 9 , 2022
Dad ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Hargaysa
 

Sabti, Luulyo, 9, 2022 (HOL) - Saddex dhalinyaro ah, ayaa ku dhintay shil gaadhi oo galabta ka dhacay duleedka magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Saddexda dhalinyarada ah oo wada rag ahaa isla markaana ahaa saaxiibo, ayaa la kala odhan jiray Cabdisalaan Cismaan, Faysal Muxumed iyo Axmed Maxamed Xasan.

Shilka ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen baabuur xaajiyad 4WD ah iyo baabuur nooca yar yar ee  vitz-ta loo yaqaan ah.

Shilalka ayaa sannadkasta xiliyada munaasibadaha ciidaha nafo badan ku galaafta Somaliland, madaama oo dhalinyaro tiro badani ay safaro ugu kala baxaan gobolada kala duwan ee Somaliland, kuwaasi oo qaarkood baabuurta si xawli ah u wadaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]