4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 9 , 2022
Wasiir Cabdiwali: Maamulka Muqdisho ayaa siyaasadeeyay xajka
 

Sabti, Luulyo, 9, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa markale cambaaraysay talaabada dowlada Soomaaliya ku dhintay qoondada xujayda reer Somaliland ka heli jireen tirada guud ee xujayda.

Wasiirka Tiknoolajiyada iyo Isgaadhsiinta Somaliland D.R Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay siyaasadaysay arrimihii xajka, sida darteedna anay sannadkan reer Somaliland u xajin.

"Maalmo qaaliya weeyi inkasta oo sannadkan anay jirin cid inaga tagtay xajka oo sababtuna ay ahayd maamulka Muqdisho oo siyaasadeeyay, oo tiro aad u yar oo %6 wax u dhiganta ah Somaliland u qoondeeyay, sidaana ay garatay xukuumadu in aan lagu aqbalin ilaa inta la saxayo tiradii aynu ku lahaan jirnay xajka" ayuu yidhi Suufi.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabku ay ku qasban yihiin in ay u hogaansamaan amarada xukuumadu u aragto, in ay ku jirto danta umada.

"Waxa kale oo waajib ah in marka ay xukuumadu go'aan qaadato ay u arkayso in maslaxada umada dan u tahay in dadwaynuhu adeecaan qasab ayay ku tahay, oo waxay kamid tahay waxyaabaha diintu ay farayso dadka" ayuu yidhi Suufi.

Xukuumada Somaliland ayaa sannadkan baajisay xujaydii reer Somaliland ee xajka tagi lahaa, kadib markii ay sheegtay in xukuumada Soomaaliya, ay qoondadii Somaliland xajka ka heli jirtay oo ahayd %40 kusoo urrurisay %6.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in Somaliland aan loo tixgalin doonin qoondadii ay heli jirtay, oo wax loo siinayo si lamid ah maamulada ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]