4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 9 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda Carafo
 

Sabti, Luulyo, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey maalmaha barakaysan ee Ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh dhamaan dunida Islaamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka inuu  Eebbe ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka.

Wuxuu intaasi ku daray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka murugaysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira gudaha dalka, waxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan.

Gabagabadii madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isaga oo kula dardaarmay in ay gacmaha isqabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online