4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 8 , 2022
Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis ku saabsan maalgashiga


Jimco, Luulyo, 8, 2022 (HOL) - Agaasimaha maalgashiga ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamed Dubo iyo ku xigeenka madaxa fulinta ee guddiga horumarinta Rwanda ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda ku kala saxiixday heshiis iskaashi.

Agaasimaha maalgashiga Soomaaliya, ayaa sheegay in is-afgaradka uu soo maray dhammaan ansixintii looga baahnaa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiskan uu sare u qaado oo uu xoojiyo iskaashiga maalgashiga ee Soomaaliya iyo Rwanda ee dhinacyada horumarinta ganacsiga, waxbarashada, xirfadaha, iyo dhisidda awoodda hay'adaha.

Labada dowladdood waxay rajeynayaan in heshiiska uu kobciyo isdhaafsiga macluumaadka, aqoonta, iyo horumarinta maalgashiga, gaar ahaan tiknooloojiyada, beeraha, iyo wax soo saarka.

Iskaashiga maalgashi ee Soomaaliya iyo Rwanda ayaa lagu saleyn doonaa qaab-dhismeedka iskaashiga laba geesoodka ah ee hadda jira ee u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Rwanda.