4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 8 , 2022
Kenya oo sheegtay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen inay dhawaan saxiixaan dib ufurista ganacsiga Qaadka

Jimco, Luulyo, 8, 2022 (HOL) - Wasiirka Beeraha dowladda Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in heshiiska dib loogu soo celinayo ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya uu ku yimid dib u dhac kooban.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud uu ka baaqsaday ka qeyb galka shirka aan caadiga ahayn ee urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Mr Munya ayaa sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Soomaaliya ay wada xiriireen dhawaana ay kulmi doonaan si loo dhameeyo heshiiska dhoofinta Qaadka.

"Waxaan rabaa inaan u caddeeyo beeraleyda Miira inaysan niyad jebin, heshiiska ganacsiga lama saxiixin Talaadadii sida ballantu ahayd, sababtoo ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, labada madaxweyne waxay ku talo jiraan inay dhawaan kulmaan si ay heshiiska u saxiixaan," ayuu yiri Mr Munya.

Waxa uu sheegay in aan shaki ku jirin in Soomaaliya ay niyad wanaag ka qabto dib u furista suuqa Miirawga.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada beeraha Qaadka Mirowga, Kimathi Munjuri ayaa sheegay in dib u furista suuqooda ay ku shubi doonto in ka badan 10 milyan oo shilinka Kenya dhaqaalaha gobolka Meru, maalin kasta.

Soomaaliya ayaa hakisay soo dejinta Mirowga bishii Maarso ee 2020 iyadoo sabab uga dhigaysa xannibaadaha Covid-19 ka hor inta aan la kordhin xayiraaddiisa Augusto isla sanadkaas.

Dowladdii hore ee Soomaaliya waxay ogolaatay in la keeno Qaadka Itoobiya, taasoo meesha ka saartay masiirkii ganacsiga Qaadka Kenya.

Kenya waxa ay Muqdisho u dhoofin jirtay ilaa 50 tan oo qaad ah maalin kasta.