4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 8 , 2022
Alshabaab oo si adag u beenisay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya

Jimco, Luulyo, 8, 2022 (HOL) - Al-Shabaab ayaa si adag u beenisay war kasoo baxay madaxweynaha dowladda Soomaaliya warkaas oo ah, in kooxda Alshabaab maalgeliso kooxaha ka dagaalama Mozambique & Nigeria.

Alshabab oo bayaan soo saartay, ayaa hadalka madaxweynaha waxay ku tilmaantay "sharaf dhac" waxayna ku eedeeyeen madaxweynuhu inuu fulinayo siyaasad gumeysi oo looga faa'idaysanayo Kheyraadka Soomaaliya.

“Siyaasad ku dhisan khiyaano iyo faafinta ula kac ah ee been abuurka ah kama caawin doonto Xasan Sheekh inuu sii hayo kursiga muddo dheer,”ayay Alshabab ku tidhi bayaankeeda.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu hayo cadeymo muujinaya in lacagaha ay soo aruuriyaan Al-Shabaab lagu maalgeliyo Booka xaraam iyo Daacish ee Mozambique iyo Nigeria.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dhaqaalaha Alshabab loo adeegsado in lagu fuliyo qorshayaasha Alqaacida.

Maalmo ka hor madaxweynaha waxa uu sheegay inay Alshabaab leeyihiin awood aan looga adkaan karin dagaal kaliya.