4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 8 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Alshabaab ay maalgaliso kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta Nigeria

Jimco, Luulyo, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday cidda taageerta argagixisada ka dagaalanta dalka Nigeria, halkaas oo ay ka aas aasan yihiin Boko Haram iyo Daacish ee galbeedka Afrika.

Isagoo ka hadlayay booqasho uu ugu tagay kumannaan askar iyo saraakiil Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanayay Turkiga, ayuu madaxweynuhu sheegay in Al-shabaab ay maalgeliso argagixisada Nigeria.

“Waxaan heynaa cadeymo muujinaya in lacagaha ay soo aruuriyaan Al-Shabaab lagu maalgeliyo kooxaha argagixisada ah ee Mozambique iyo Nigeria, iyadoo qaarkood loo adeegsado Al-Qaacida,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa horey u sheegay in Al-Shabaab ay tahay saaxiibka ugu badan ee Al-Qaacidda ee dhaqaalaha ka bixiya.

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sheegay in miisaaniyad sanadeedka Shabaab uu yahay 100 milyan oo doolar.