4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2022
Raysal wasaarahii dalka Ingiriiska Boris Johanson oo ku dhawaaqay inuu iscasilay

Khamiis, Luulyo, 7, 2022 (HOL) - Boris Johanson ayaa goordhaw oo Maanta ah si rasmi ah isaga casilay xilkii Raysal wasaaranimo ee dalka Ingiriiska, taasi oo wadada u xaareysa doorashada Raysal wasaare cusub oo uu yeelanayo dalkaasi.

Is casilaada Boris Johnson oo saacadahii lasoo dhaafay si weyn loo hadal haayay ayaa imaatay kadib markii wasiiro dhowr ah ay iska casileen dowladdiisa oo ay hareeysay fadeexado kala duwan.

“Waa ay cadahay rabitaanka xildhibaanada Conservative-ka ee ah in xisbiga uu helo hoggaamiye cusub, sidaa darteedna ra’iisul wasaare cusub" ayuu yiri Boris Johnson isaga oo ka hadlaya banaanka xafiiska 10 Downing Street.

Johnson oo ah 58 jir ah ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilayo kadib markii xubno badan ay iska casileen dowladdiisa, isagoona sheegay inuu si hayn doono xilka Raysal wasaaraha ilaa laga helo qofkii bedeli lahaa.

Boris Johanson ayaa sheegay inuu ka tagayo mid ka mid ah shaqooyinka gu wanaagsan dunida, isagoo si aad ah uga murugeysnaa ka tagista xilka Raysal wasaaranimo ee dalka Britain oo loo doortay bishi Decembar ee sanadkii 2019-kii.

Ka hor inta uu inta uusan ku dhawaaqin Johanson inuu iscaslayo waxaa sacaado ka hor warbaahinta la hadlay hoggaamiyaha xisbiga mucaraadka ee Labour-ka Keir Starmer oo sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka la filayay ee ugu dambeyn uu ku dhawaaqay goordhaw Boris Johanson.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online