4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2022
Barlamaanka Puntland oo diiday in dib loo horkeeno garsoorayaashii maxkamadda sare ee xasaanada ay udiideen
 

Khamiis, Luulyo, 7, 2022 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa maanta soo saaray go'aan ay ku diideen in mar kale la hor horkeeno garsoorayaashii maxkamadda sare ee waayay codka kalsoonida golaha wakiillada.

Barlamaanku waxay sheegeen inuusan jirin qodob sharci ah oo bannaynaya in madaxweynuhu mar kale uu soo magacaabo, uuna golaha horkeeno, garsoorayaashii kalsoonida waayay.

Barlamaanka Puntland waxay sheegeen in xubnihii waayey kalsoonida aysan wax shaqo ah qaban karin, waxayna madaxweynaha ugu baaqeen inuu soo magacaabo garsoorayaal cusub oo aysan ku jirin kuwii xasaanada waayay.

30 Xildhibaan oo katirsan barlamaanka Puntland ayaa go'aankaan ku taageeray cod gacan taag ah. Waxaa diiday saddex xildhibaan, waxaana ka aamusay 7 xubnood.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan dib usoo magacaabay garsoorayaashii kalsoonida waayay, isagoo doonaya inuu barlamaanka mar kale horkeeno, si ay xasaanad usiiyaan.

Dhinaca kale, xildhibaanno katirsan barlamaanka  ayaa wada mooshin loogu yeearayo madaxweynaha Puntland oo hadda dalka dibaddiisa ku maqan. Waxayna doonayaan in lala xisaabtamo.

Si kastaba ha ahaatee barlamaanka Puntland ayaa u muuqda kuwa qaadaya tallaabooyin waawayn, xilli horey lagu dhaliiili jiray inay ku dhex milmeen madaxtooyada.