4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2022
Wararkii ugu dambeeyay iscasilaada Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johanson
 

Khamiis, Luulyo, 7, 2022 (HOL) - Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu is casili doono Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson.

Raysal wasaare Boris Johnson ayaa galinka dambe ee Maanta ku dhawaaqi doona is casilaadiisa xilka Raysal wasaranimo ee dalka Britain, kadib markii ay ka kala tageen wasiiradiisa iyo xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, kuwaasi oo sheegay inuusan u qalmin inuu Johanson wax sii maamulo.

Ilaa sideed wasiir ayaa iska casilay xilalkoodii labadii saac ee ugu dambeysay, taasoo sababtay in Raysal wasaare Johnson uu raja beelo.

Xafiiskiisa Downing Street ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Johnson uu goor dambe oo Maanta ah soo saari doono warsaxaafadeed rasmi ah, kadib maalmo uu u dagaalamayey shaqadiisa.

Boris Johnson waxaa faarujiyey oo garbahisa ka baxay waxyar mooyee inta badan xulafadiisa kadib markii fadeexado dhowr ah oo cusub ay jebiyeen rajadoodii aheyd inay taageeraan.

“Iscasilaaddiisa waxay aheyd mid aan la huri doonin, Xisbi ahaan waa inaan si deg deg ah u midownaa oo aan diiradda saarnaa waxa muhiimka ah. Waxaan ku jirnaa waqti adag dhinacyo badan” waxaa sidaas yiri Justin Tomlinson oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Conservative-ka oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

Si kastaba ha ahaate tan iyo subaxnimadii hore ee maanta waxaa sii kordhay cadaadiska lagu saarayo inuu Johnson baneeyo xafiiska Raysal wasaaraha dalka Ingriiska waxaana 24 saac gudahood isku xig xigsaday iscaslaada tiro ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online