4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2022
Banaanbaxayaal careysnaa oo gubay xarunta maamulka degmada Baled Xaawo
 

Khamiis, Luulyo, 7, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Baled xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax xoogan oo ay sameyeen dad ka careysnaa dhalinyaro laga xirxiray.

Dibadbaxayaasha careysnaa ayaa la sheegay iney ka kala yimaadeen xaafada ay ka kooban tahay magaaladaasi, kuwaas oo kasoo horjeeday dhalinyaro ciidamada Nabadsugida ay ka dhex qabteen gudaha magaaladaasi, kuwaas oo la sheegay inay jirdilo xoogan u geysteen ciidanka.

Mudaaharaadayaasha ayaa bartamaha degmadaasi ku gubay taayaro, kartoono iyo waxyaabo kale , waxaana xusid mudan iney gudaha  galeen xarunta laga maamulo degmadaasi oo ay xafiisyada qaar dab qabadsiyeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ayaa banaanbaxayaasha rasaas farabadan ay ku fureen dadka banaanbaxa dhigayay waxaa ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay ilaa saddex ruux.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan inaga soo gaaraya degmadaasi ayaa sheegaya in masuuliyin ka tirsan maamulka degmada ay la hadleen dadka banaanbaxa dhigaayay, iyaga oo u sheegay in cabashadooda wax laga qaban doono, waxaana haatan degan xaalada magaaladaas oo saacado dhowr ah qasneed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online