4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Soomaaliya waxay la hadli doontaa Al-Shabaab marka waqtigu ku habboon yahay

Khamiis, Luulyo, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in soo afjaridda dagaallada gacan ka hadalka ah ee Al-Shabaab ay u baahan tahay wax ka badan hab ciidan.

Madaxweeyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah oo kaliya marka la gaaro waqtiga saxda h.

“Hadda ma joogno meel aan gorgortan la galno Al-Shabaab. Waxaan sameyn doonnaa waqtiga saxda ah,” madaxweynaha ayaa sidaasi sheegay inta uu booqashada ku joogo waddanka Turkiga.

“Al-Shabaab waxay diyaarisay hannaan ay kula tacaali karto, si xitaa haddii xarumahooda la burburiyo, ay awood u yeeshaan inay mar kale dib u soo dhisaan oo ay dib ugu laabtaan goobihii dagaalka,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxa uu soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ahaa in Ciidamada Mareykanka loo soo daad gureeyo Soomaaliya.