4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2022
Madaxweynaha Turkiga oo si rasmi ah u qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya
 

Arbaco, Luulyo, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah ku jooga dalka Turkiga.

Labada madaxweyne ayaa yeelan doona wada-hadallo fool-ka-fool ah kaddibna xaflad saxiix ah iyo shir jaraa’id ayaa xigidonna, ka hor inta aan la gaarin kulamada ergada labada dhinac.

Waxaa la filayaa in Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo uu Turkigu Soomaaliya kaga taageeridoono dhinacyo kala duwan, sida tababarada ciidamada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan booqan magaalada Ankara waxa uu la kulmay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay gobolka Isparta.

“Waxaan booqday askarteena geesiyaasha ah oo tababar kumaandoos ah ku qaadanaya magaalada Isparta ee dalka Turkiga, anigoo gacan ka helaya dowladda Turkiga,” ayuu madaxweynaha ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo saraakiil Soomaaliyeed oo mustaqbalka wanaagsan leh, wuxuuna Turkiga uga mahad celiyay kaalmadiisa dhinaca amniga.