4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2022
Muqdisho: Nin Soomaali ah oo muddo ku dhow 20 Sano xabsi kusoo qaatay Talyaaniga oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho
 

Arbaco, Luulyo, 6, 2022 (HOL) - Magaalada Muqdisho, qarax Miino oo gaarigiisa loogu xiray ayaa lagu dilay Xaashi Cumar Xasan oo muddo 6 sano ka hor laga soo daayay xabsi ku yaala dalka Talyaaniga oo uu ku xirnaa muddo ku dhow 20 sano.

Qaraxa ayaa lala eegtay xilli uu ka sii baxayay hoygiisa, isagoo u geeriyooday dhaawac  kasoo gaaray qaraxa loogu xiray gaari nuuxa raaxada oo uu watay.

Lama oga sababta loo beegsaday Xaashi Cumar Xasan oo muddo 20 sano ku dhow u xirnaa dambi lagu waayay oo ahaa inuu qorsheeyay dilka gabar saxafiyad ah iyo kaamiro maankeeda oo Muqdisho lagu dilay 1994.

October 2016 kii ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala dalka Talyaaniga, ka dib markii lagu waayay inuu ka qayb qaatay dilka gabar wariyeyaasha   ka tirsana Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday.

Xaashi ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo maxkamad kutaala Talyaaniga ay uxukuntay in lasiiyo magdhow saddex milyan oo dollar ah oo ah muddadii uu caddaalad darrada u xirnaa.