4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2022
Qarax lagu dilay taliye ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo ka dhacay degmada Afgooye
 

Arbaco, Luulyo, 6, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay uu ka dhacay barqanimadii Maanta gudaha degmadaasi.

Qaraxa oo la sheegay inuu noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay agagaarka Baar Ismaaciil, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana lala eegtay qaraxa gaari uu watay Taliyaha rugta Tadaamun ee ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdi Madoobe.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ku geeriyooday taliyaha lala eegtay Cabdi Madoobe, kasoo qaraxa uu ku qabsaday gaariga u saarna xili uu marayey wadada u leexata dhanka Dugsiga Sare ee degmada Afgooye.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Afgooye oo xiray agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana baaritaano ka sameeyay hayeeshee majirin cid ay u soo qabteen qaraxaasi lagu dilay taliyahii rugta Tadaamun ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Madoobe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online