4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2022
Ciidamada dowladda oo howlgalo kusoo qabqabtay burcad hubeysan iyo waxyaabaha maanka dooriya

Arbaco, Luulyo, 6, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaalya iyo kuwa Nabadsugida qaranka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo balaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Howlgalada ciidamadan iskaashanaya ay sameyeen ayay kusoo qabqabteen hub, waxyaabaha maanka dooriya iyo kooxo hubaysan oo dadka dhac ugeeysanayay xiliyada habeenkii oo kusoo kordhaayay mudooyinkii dambe gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamada waxay uga sameeyeen degmooyinka kala ah Howlwadaag, Hodon, Dharkeenleey,  Yaaqshiid, iyo wadajir, waxaana Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta uu sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen hub iyo ragii watay iyo waliba waxyaabaha maanka dooriya.

"Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxay gacanta kusoo dhigeen walxaha maanka-dooriya oo aasaas u ah amni darrada iyo in qofka uu ku fakiro in uu dhibaateeyo Muwaadin Soomaaliyeed, laamaha amaanka waxaa ka go’an in ay gacanta ku dhigaan burcadda iyo dadka kale dhibaatada u geysanaya Shacabka, mana aqbali doono in Mooto laga helo Baangad ama Mindi xiliyada habeenkii ah, sidoo kale ma aqbali doonno in waalidiinta ay ka daba tagaan dhalaankooda iyaga oo aanay markii hore ka celin inay qaataan, cid kasta oo lagu arko qori sharci daro ah waxa uu Booliiska ka qaadi doonnaa talaabo sharci ah” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Cabdifataax Aadan Xasan.

Howlgalka ciidamadaan ay kusoo qabqabteen burcada hubeysan iyo waxbayaabaha maanka dooriya ayaa imaanaya kadib markii ay kordheen mudooyinkii dambe cabashada kasoo yeereysay shacabka reer Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online