5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2022
Puntland: Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowladda Soomaaliya wuxuu gatay qoondadii xajka ee Puntland
 

Arbaco, Luulyo, 6, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay wasiirka  Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya, Sheekh Cumar Cali Rooble inuu si cad u boobay qoondadii ay Puntland ku lahayd xajka sannadkan 2022.

Wasiirka caddaalada Puntland, Cawil Sheikh Xaamid oo barlamaanka Puntland ay su’aallo ka weydiiyeen arrimaha xajka, ayaa u sheegay in aysan sannadan jirin wax Puntland gacanta uu jira oo xajka ku saabsan.

Wasiirku wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha diinta Soomaaliya uu xog ku qaatay qoondadii Xajka ee ay Puntland lahayd, isagoo intaa ku daray inuu wasiirku shirkaddahii la siiyay mashruuca xajka uu ka qaatay midkiiba $15,000 oo laaluush ah.

“Waxaan xaqiiqo ku haynaa in kambaniyada uu siisay xajka ay ahaayeen kuwo uu isagu sameystay. Wuu ku taxay, xoog baana dhacay. Waala qayliyay. Dowlad goboleedyadii oo dhan baa qayliyay, waxba lagama soo qaadin,”ayuu yiri wasiirka caddaalada Puntland.

Cawil Sheikh Xaamid ayaa ku eedeyay xildhibaannada Puntland ee labada aqal ee barlamaanka inay wax ka qaban waayeen sidii ay Puntland ku heli lahayd xuquuqda ay ku leedahay dowladda federalka.