4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta


Arbaco, Luulyo, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga uga mahad-celiyey dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimadeenna iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsigan, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa kulan qado ah la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Booqashadan waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha. Xuseen Macallin Maxamuud, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid, U qaybsanaha Arrimaha Ciidamada Ee Safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga Janaraal Maxamed Maxamuud Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud.