4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2022
Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Somaliland oo xabsiga laga sii daayay
 

Talaado, Luulyo, 5, 2022 (HOL) - 12 siyaasi oo iskugu jira masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, oo lagu xidhay mudahraadkii 9 Juun, ayaa laga siidaayay xabsiga Madheera.

Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsan xisbiga Waddani, kana mid ah siyaasiyiinta maanta lasii daayay, ayaa u mahadceliyay guddida dhexdhexaadinta isagoo soo jeediyay in hab dhaqanka Booliiska Somaliland wax laga badalo.

"Sida salaadiintu codsatay anaga oo dalka u tudhayna, salaadiinta Madheera noogu timid ixtiraamayna, Cali Waran Cadde ixtiraamayna iyo raga kale ee ka howlgalay howsha ... waxaanu umada u sheegaynaa in ciidanka booliiska ee dalku uu u baahanyahay in dib loo eego" ayuu yidhi Cukuse.

Dhinaca kale wuxuu mahad ka sheegtay ciidanka xabsiyada Somaliland "Qolada ay-jeeshu waa niman yaqaana sharciga iyo dowladnimada garanaya, anaga way noogu roonaayeen cuntada iyo caafimaadka, iyo nadaafada intaba, raga haystaana waa rag madax ah oo aqoon sare leh".

Waxa uu dhanka kale, sheegay in xadhigoodu aanu mushkilad wayn ahayn lakiin, mushkilada wayni ay tahay khilaafka doorashada ee hada taagan, isla markaana loo bahanyahay in laga howlgalo oo dadka waxgaradka ahi gacan ka gaystaan.

Guddida isxilqaantay ee dhexdhexaadinta xukuumada iyo mucaaradka iyo xubno golaha guurtida ka socda oo lagu dhafay iyo madaxweynaha Somaliland oo saacado kahor kulan yeeshay ayaa isku afgartay in lasii daayo dhamaan siyaasiyiinta mucaaradka ee xidhnaa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]