4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2022
Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdi ka socday QM oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar

Talaado, Luulyo, 5, 2022 (HOL) - Wafdi ay hoggaamineysay ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Xubnihii la socday wafdiga waxaa kamid ahaa wakiilka hay'adda FAO, wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan haweenka iyo madaxa xafiika UNSOM ee Hirshabeelle. Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdiga ayaa ka wadda-hadlay arrimaha guud ahaan maamulka, gaar ahaan amniga, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa madaxda Qaramada Midoobe si gaar ah ugala hadlay in deg-deg looga jawaabo xaaladdaha abaaraha ee ka jira deegaannada Hirshabelle

Madaxda Qaramada Midoobe ayaa intii ay joogaan magaalada waxaa ay kulan gaar ah la qaateen qaar kamid ah madaxda wasaarradaha qaar ee maamulka, ururada bulshada, gaar ahaan ururka naafadda, dhallinyarada, odayaasha dhaqanka iyo haweenka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]