4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay siyaasadiisa ku wajahan la-dagaallanka al-Shabaab

Talaado, Luulyo, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga, ayaa sheegay in al Shabaab uu kala dagaalami doono dhinacyada ciidanka militeriga, fakarka iyo dhaqaallaha, saddexdaasina ay ku saleysantahay siyaasadiisa ku wajahan la-dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Mudane Xasan Sheekh oo xalay kulan la qaatay jaaliyada Soomaalidda ee dalka Turkiga ayaa cambaareeyay siyaasadihii hore ee lagu wajahay la-dagaallanka kooxda taas oo aheyn in kooxda meesheeda lagu hayo oo aysan dhaq-dhaqaaq sameynin.

"In meesha lagu hayo ma ahan doorasho; in sumcada iyo awooda kooxda hoos loo dhigo wey wanaagsantahay laakiin naguma filna”, ayuu raaciyay.

Madaxweynaha ayaa horraantii bishii June sheegay in uu qaadi doono dagaal ka dhan ah kooxda al Shabaab, kaddibna wada-hadal uu la furi doono. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiinka, ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay fikirka ah. “Aragtideydu waa in aan al Shabaab ka qaadno qisooyinka Islaamiga, kaddib aan dadka tusno in dowladdu ay ilaaliso caqiidadooda. Tani waxay la macno tahay in la qaado dagaalo badan oo fool ka fool ah.”

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligaasi carabka ku adkeeyay in uu damacsan yahay in uu qaado dagaal cusub, oo marka hore lagu xakameynayo dagaallamayaasha al Shabaab, kadibna uu dib ugu riixayo dhulka baadiyaha ah.

Al-Shabaab ayaa si weyn ugu xidideystay deegaannada ay maamulaan, iyagoo ganacsatada ka qaada lacago caddaan ah. Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in Al-Shabaab ay maanta qaaddo canshuur ka badan inta ay qaadeyso dowladda Federaalka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]