4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2022
Xasuuq mar kale ka dhacay gudaha dalka Itoobiya

Talaado, Luulyo, 5, 2022 (HOL) - Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Axmaarada ayaa sheegaysa in dad boqolaal kor u dhaafaya mar kale lagu xasuuqay gudaha degaanka Oromiya gaar ahaan galbeedka gobolka Wallaga oo ah goob ay deggan yihiin qowmiyadda Axmaarada.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa dhiniciisa xasuuqan ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromiya ee OLA, isagoo xusay in wixii xasuuqa gaystay ay ahaayeen firxadkii Jabhadda Oromada ee OLA kuwaas oo ka baxsanayay Ciidamada Itoobiya waa siduu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Ra'iisal wasaare Abiyi waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee haatan dagaalka kula jira Jabhadda Xoreynta Oromiya OLA aysan ka hadhi doonin Jabhadda ilaa oy dalka ka nadiifiyaan oo la ciribtiro waxa uu ku tilmaamay Argagaxisada Shane oo uu ula jeedo Jabhaddan OLA.

Xasuuqan dambe ee ka dhacay gobolka Wallaga ee degaanka Oromiya oo ay dowladdu kaliya sheegtay in dad lagu xasuuqay halkaa, maysan shewgin dowladdu tirada rasmiga ah ee la xasuuqay balse Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Ururada Axmaarada ee mucaaradka ah ayaa sheegay in tiri boqolaal kor u dhaafaysa oo shacab ah lagu xasuuqay tuulooyin hoos yimaadda gobolka Wallaga ee degaanka Oromiya halkaas oo ay deggan yihiin dad ka soojeeda qawmiyadda Axmaarada.

Toddobaado ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale dad Axmaaro ah lagu xasuuqay galbeedka degaanka Oromiya, iyadoo ay kasii horreysay xasuuq kale oo dad Oromo ah loogu gaystay degaanka Axmaarada, kaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen xubno kamid ah Booliska gaarka ah ee degaanka Axmaarada iyo qaar kamid ah maleeshiyaadka ka dhaqdhaqaaqa degaanka Axmaarada ee FANO.

Isku dhacyada qowmiyadaha iyo xasuuqyada ayaa noqday kuwo kusoo noqnoqda gudaha Itoobiya, kuwaas oo aysan dowladdu wali xal rasmi ah ka gaarin.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]