4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2022
Dab ka kacay kaymalayda Gaacidh ee gobolka Sanaag
 

Isniin, Luulyo, 4, 2022 (HOL) -  Dab ka kacay kaymalayda deegaanka Gaacidh ee gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa si deg deg ah u fiday, isagoo burburinaya dhirta iyo daaqa deegaankaas.

Guddoomiyaha Gaacidh Salaad Saalax Maxamed oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha afka xukuumada ku hadla, ayaa sheegay in lagu guulaystay in dabka la xakameeyo oo fiditaankiisa la dhimay, kadib gurmad la sameeyay.

"Dabku wuu qarxay 5:00 galabnimo ee shalay ilaa xalay deegaanku heegan ayuu ku jiray, xagaa ayaa lagu jiraa dabaylo ayaa socda, qaylo-dhaana dowlada ayaa loo diray, waa lagu guulaystay, wali waa noolyahay lakiin waa la horjoogaa" ayuu yidhi Saalax.

Waxa uu sheegay in dabku uu gaadhay dhul dhan 300 oo mitir, iyada oo intaa lala halgamayay "Ilaa 300 oo mitir oo isku wareeg ah ayuu gubay, dabaysha ayaana sababtay, waa la qaban kariwaayay intaa waa lala rafanayay".

Waxa uu sheegay in ay horayba uga cabsi qabeen in deegaankan oo buuralay iyo kaymolay ah uu dab ka dhasho, xukuumadana dhowr jeer ku wargaliyeen, lakiin waxa uu sheegay in dabka hada uu sababay dab ay shiteen qoys deegaanka ah oo dabayshu qaaday.


Waa markii ugu horaysay ee mudooyinkan dab baaxadan lihi uu ka dilaaco kayma layda Somaliland, waana dab khatar galiyay dad iyo duunyo wixii ku dhaqan deegaanadan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]