4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2022
Kenya oo madaxweynaha Soomaaliya ka sugaysa inuu berri tago Nayrobi si uu u saxiixo heshiiska ganacsiga Qaadka

Isniin, Luulyo, 4, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa filaysa inuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud maalinta berri ah tago magaalada Nayrobi, si ay labada dal u kala saxiixdaan heshiis dhanka hawada ah oo isku furi doona ganacsiga qaadka ee labada dal.

Bishii la soo dhaafay, Xoghayaha Wasaaradda Beeraha Kenya, Peter Munya ayaa u xaqiijiyay beeraleyda Miraa in Kenya iyo Soomaaliya ay saxiixi doonaan heshiis ganacsi 5-ta Luulyo, taasoo ka dhigan inay dhamaatay labo sano oo cunaqabateyn dhanka ganacsiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa axadii shalay booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka Turkiga, halkaas oo ku sugnaandoono illaa berrito sida ay sheegtay madaxtooyadu.

Lama oga in madaxweynuhu aadidoono Kenya, oo sidoo kale uu ku casuuman yahay shir madaxeedka IGAD. Inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxweynuhu u wakiishay raysal wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed.

Si kasta ha ahaatee, beeraleyda Qaadka Miirowga Kenya ayaa bilaabay inay beerahooda dib boorka uga jafaan, iyagoo isku diyaarinaya inay dib u bilaabaan dhoofinta Qaadka.