4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2022
Hay’adda Qatar Charity oo deeq raashiin ah gaarsiisay degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Isniin, Luulyo, 4, 2022 (HOL) -  Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo wafti uu hoggaaminayay oo ay kamid ahaayeen safiirka Qatar ee Soomaaliya, madaxa hay’adda Qatar Charity iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta safar ku tegay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, si ay u kormeeraan xaaladdaha dadka ay saameysay abaaraha.

Ugu yaraan 28 kun oo qoys oo ka soo barakacay gobollada Jubbada hoose iyo Bay ayaa ku  nool kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla degmada Baardheere, waxaana guddiga Gurmadka Abaaraha gobolka Gedo uu sheegay in barakacayaal cusub ay todobaad kasta yimidaan gobolka.

Hay’adda Qatar Charity ayaa deeq raashiin ah oo loogu talagalay 514 qoy gaarsiiysay kaamka Iftin oo kamid 21-ka kaam ee ku yaalla duleedka degmada, halkaasi oo ay ku noolyihiin inkabadan labo kun oo kamid ah qoysaska ay saameysay abaarta. Hay’adaha Qatar Charity iyo safiirka ayaa ballanqaaday in ay kordhin doonaan taageerada iyo gurmadka dadka abaarta ay saameysay ee ku nool guud ahaan dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ay tegi doonaan dhammaan deegaannada dalka ee abaarta ay saameysay, wuxuu intaa raaciyay “Annaga ujeedkeena waa in adduunka aan u qeyla dhaamino oo aan indhahooda kusoo jeedino gudaha dalka maxaa yeelay baar daran ayaa dalka xiligan ka jirta”.

“Waxaan maanta booqanay Degmada Baardheere oo ka mid ah deeganaada ay abaartu saamaysay, gaar ahaan dadka ka soo barakacay deegaanada kale ee ku dhow Degmada. Ugu yaraan 28 kun oo barakacayaal ah ayaa hadda ku nool 21 xero, kuwaasoo gar-gaar aad u yar soo gaaray. Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliya, deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo walaalaha carbeed ee kari kara in ay gurmad degdeg ah la soo gaaraan Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaarahu ku habsadeen”, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Ergeyga ayaa hay’adda Qatar Charity uga mahadceliyay gurmadka ay soo gaarsiiyeen qoysaska abaarta ay saameysay, isagoo xusay in ay soo dhoweynayaan qof kasta oo Soomaaliya gargaareysa xiligan adag.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]