4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2022
Ra’iisul Wasaare Xamza Barre iyo safiirka Midowga Yurub oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Isniin, Luulyo, 4, 2022 (HOL) -  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Safiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankooda diirrada ku saaray xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh dowladda.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga ah Jutta Urpilainen ayaa maalin ka hor shaacisay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay sannadkan kordhinayaan qoondada ay siiyaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Midoga Yurub ayaa sannadkan Soomaaliya siin doona ku dhowaad 140 milyan Yuuro oo lagu taageerayo dib-u-habeynta siyaasadda iyo arrimaha dhaqaallaha.

"Midowga Yurub wuxuu sidoo kale bixin doonaa €13.5 milyan oo ah taageero miisaaniyaddeed si loo joogteeyo taageerada dib-u-habaynta siyaasada Soomaaliya iyo sidoo kale xirmo € 125 milyan oo lagu taageerayo dowlad-dhisidda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada," ayuu yiri Midowga Yurub.”

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]