4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2022
Madaxweyne Deni oo dib usoo magacaabay xubnihii maxkamadda sare ee codka kalsoonida loo diiday
 

Isniin, Luulyo, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor dhowayd dib usoo magacaabay xubnaha Maxkamadda sare ee Puntland saacado kadib markii uu barlamaanku udiiday codkii kalsoonida.

Madaxweyne Deni ayaa magacaabiddan sameeyay xilli uu isla maanta u ambo baxay dalka dibadiisa, isagoo la sheegay inuu kusii jeedo dalka Imaaraatka.

Deni wax isbeddel ah kuma uusan samaynin dhammaan xubnihii loo diiday codka kalsoonida. Isagoo doonaya inuu mar kale barlamaanka horkeeno, si ay u meel mariyaan una siiyaan codka kalsoonida.

Tallaabadan degdega ah ee uu qaatay madaxweyne Deni oo aan horey u dhicin sidaan oo kale, waxay muujinaysaa inuu jiro khilaaf udhaxeeya isaga iyo barlamaanka Puntland.

Dhinaca kale, warar ayaa jira oo sheegaya inuu barlamaanka Puntland abaabulayo mooshin lagu ridayo golaha wasiiradda ee madaxweyne Deni.

Halkaan hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay.

1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay xubnaha Keydka.

1. Maxamuud Aadan Cabdulle  Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali

1. Daahir Maxamed Nuur  
2. Xasan Cabdi Cilmi