5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2022
Axmed madoobe oo saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland kala shiray howlgalada ka dhanka ah Alshabaab
 

Isniin, Luulyo, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose kula kulmay saraakiisha ugu sareysa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sarakiisha ka dhagaystay warbixinta xaalada amniga degmada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku weheliyey wasiirka amniga, guddoomiyaha maxkamada sare, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiyaha Dhoobley, Taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland ee Dhoobley.

Alshabaab ayaa badi gacanta ku haysa deegaannada Jubbaland, waxaana madaxweyne Axmed madoobe oo xukunka jooga muddo aan ka yarayn 10 sano uusan weli ku guulaysan inuu xoreeyo dhulka maamulkiisa.