4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Al-shabaab oo ka hadashay duqeymo diyaaradeed oo Maanta ka dhacay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka hadlay duqeymo diyaaradeed oo Maanta ka dhacay deegaanka Coomaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa sheegtay in diyaaradaha Maanta duqeeyay deegaanka Coomaad ay ahayeen diyaarado ay leedahay dowladda Itoobiya oo gantaalo ku dhuftay deegaanka, hayeeshee aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaasi.

Dadka deegaanka Coomaad oo aan la hadalnay ayaa sheegay in diyaaradaha duqeymaha geystay ay ahayeen kuwa joog hoose ku socda oo dhowr jeer duqeynta ka hor dulmaray gudaha deegaanka, waxayna tilmaameen in diyaaradaha ay kasoo galeen jihada xaduuda Itoobiya, hayeeshee aysan garanen cida iska leh diyaaradahaasi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Itoobiya oo ku aadan in diyaaradaheeda ay fuliyeen duqeymaha barqanimadii Maanta ka dhacday deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]