4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Soomaaliya oo dhawaan helaysa shirxnadii gargaar ee ugu horeeyay oo Ukraine ka imaanaya
 

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - 16-kii markab ee ugu horeeyay oo laga leeyahay dalka Ukraine, kuwaas oo ku socdaalaya marinka uu ilaalinayo dalka Turkiga, ayaa shixnaddoodii ugu horeysay oo gargaar ah gayndoona Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa leh hidisahan, iyadoo dadaal ugu jirto in hadhuudhka kasoo go’a dalka Ukrain la geeyo dalalka Afrika ee khatarta ugu jira macluusha.

Maraakiibta ayaa kasoo bixidoona dekeda Odessa, halkaas oo laga bilaabay dhoofinta hadhuudhka, waxaana maraakiibta korka kala socondoona diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga iyo dayax gacmeedyada.

Meesha ugu horeysa ee ay maraakiibtaan ku xirandoonaan waxay noqon doontaa magaalada dekeda leh ee Istanbul, waxaana la filayaa in markabka ugu horreeya uu gaaro badda Turkiga, saddexda August.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay illaa bil iyo bar inay qaadan karto inay maraakiibtan ku gaaraan Soomaaliya, halkaas oo la geyn doono hadhuudhkii ugu horreeyay ee Ukrain, iyadoo loo marinayo Turkiga.

Guud ahaan 25 milyan oo tan oo hadhuudh ah oo laga qaadidoono dalka Ukrain ayaa la gayndoonaa adduunka oo dhan, waxaana lagu fulin doonaa magaalada Istanbul.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa booqday markabka uu ka babanayo calanka Turkiga oo ku sugnaa dekedda Odesa halkaas oo maalin ka hor laga soo raray galley.

Bishii Luulyo 22, magaalada Istanbul, waxaa lagu kala saxiixday heshiis cunto ama hadhuudh ah, kaas oo dhexmaray, Ruushka, Turkiga, Ukraine iyo UNka.