4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Diyaarado dagaal oo Maanta duqeymo culus ka geystay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan
 

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Coomaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Barqanimadii Maanta ay halkaasi duqeymo ka geysteen diyaarado dagaal.

Diyaaradaha dagaalka ayaa lasoo warinaya iney Maanta duqeynta la beegsadeen xarun ay ku sugnayeen xubno ka tirsana Al-shabaab, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in duqeynta lagu laayay Al-shabaab badan inkastoo uusan carabaanin tirada lagu dilay duqeynta.

Lama oga khasaaraha rsmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay duqeynta Maanta diyaaradaha dagaalka ka geysteen Coomaad oo marka laga soo tago Al-shabaab ay ku nool yihiin dad u badan Xoolo dhaqato oo xiligaan la daalaan dhacaayo abaaraha daran ee ka jira deegaanada gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah oo soo baxaya sidoo kale sheegaya in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay dagaalyahanada Shabaab halkaasi ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana duqeyntaani ay kusoo beegmeysa xili todobaadkii lasoo dhaafay askar ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab ay ka gudbeen xad beenaadka uu gobolka Hiiraan la wadaago dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Itoobiya, islamarkaana ay ka dhex dagaalameen gudaha deegaanada dowlad deegaanka.

Diyaaradaha duqeymaha culus Maanta ka geystay deegaanka Coomaad ayaanan la ogeyn cida iska leh, hayeeshee waxaa duqeymaha noocaan oo kale ah inta badan Al-shabaab la beegsata dowladda Mareykanka, waxaana soo labeeysa dowladda Kenya oo iyana diyaaradaheda duqeymo khasaare u geystay dad shacab ah iyo Al-shabaab ka fuliyeen deegaanada maamulka Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]