4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Mustafe Cagjar: Waxaan aaminsannahay in 600 oo Alshabaab ah lagu dilay howlgalladii maalmahan socday

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa sheegay in 600 oo askari oo katirsan Alshabaab lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay ee xadka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka, ayaa hadalkaan sheegay, xilli uu la hadlayay barlamaanka deegaanka Soomaalida, kuwaas oo su’aallo ka weydiinayay khasaaraha dagaalka.

Madaxweyne Cagjar waxa uu sheegay inay halis xooggan ka hortageen, kadib toban cishe oo ay dagaal adag kula jireen kooxda Alshabaab. Wuxuu sheegay inay muuqato ififaalo ku aadan inay ka guulaysanayaan Alshabaab.

“Waxaan aaminsannahay in 600 Alshabaab ah lagu dilay howlgalladii maalmahan socday, illaa kuwii shalay. Adna waxbaa kaa dhimanaya dabcan. Aan ku dilo oo waxbana iga dhiman maayaan socon mayso. Waa in la ogaado inaan dagaal ku jirno,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Mustafe Cagjar wuxuu sheegay inay ka go’an tahay in ay ka guulaystaan Alshabaab islamarkaana ay ka hortagaan inay farriisin ka sameystaan gudaha deegaanka Soomaalida.

“Ujeedadoodu waxay ahayd inay deegaanka soo galaan, ciidan fara badan soo galiyaan, oo halkaas ay ka jabhadeeyaan. Laakiin, fursadaas lama siin. Waa howl ay ku fashilmeen si weynna loogu jebiyay,” ayuu yiri madaxweyne Cagjar.

Madaxweynuhu wuxuu qiray duulaanka Alshabaab inay sabab u tahay dayac badan oo uu kusoo arkay xuduudaha. Wuxuuse sheegay in la qaadidoono tallaabooyin dib wax loogu saxayo.