4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya oo raalli galin ka bixiyay hadal uu saxaafadda ka sheegay
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu warbaahinta kasii daayay oo uu ku beeninayay inay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay kawada hadleen muranka webiga Nile.

Afhayeenka madaxtooyada, Cabdikariin Cali Kaar, ayaa caawa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada madaxweyne ay kawada hadleen muranka webiga Nile, ayna ku heshiiyeen in dhammaan khilaafaadka gobolka lagu dhammeeyo si wadajir ah oo nabad ah.

‘Waxaan ka cudur daaranayaa in si khaldan la ii fahmay oo aan si khaldan u soo qaatay sharraxaadkii aan ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Sisi uu ka sheegay shirkii jaraa’id ee wadajirka ahaa ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabtay Madaxtooyada Al-ltixaadiya,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada.

Afhayeenku wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ka go’an tahay inuu u ololeeyo nabadda, wada-hadallada iyo iskaashiga gobolka iyo caalamka.