4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Madaxweynaha Galmudug oo Maanta kulan la qaatay Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta Madaxtooyada maamulka Galmudug ku qaabilay Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Danjire James Swan ayaa kulankooda Maanta uga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin mashaariicda hormarineed, amniga, abaaraha, la dagaalanka Al-shabaab iyo Xafiis cusub oo la sheegay in dhawaan Qaramada Midoobay ay ka furanayso caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa la sheegay in dhankiisa uu la wadaagay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iney sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaaga dowlad goboleedka Galmudug, isagoona balan qaaday sii wadista gargaarka Bini’aadannimo, si wax looga qabto abaaraha daran ee xiligaan ka jira deegaanada Galmudug.

Gabagabadii Madaxweynaha maamulka Galmudud Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Qaramada Midoobay taageerada iyo garab istaaga uu u muujiyay dowlad goboleedka Galmudug oo uu sheegay in xiligaan abaaro aad u daran ay ka jiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]