4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: War haddaan Tuuggii daba kacno, oo Shabaabkii waa qaraabo dhahno maxaan qaban karnaa?
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka  Muqdisho inaysan hay’adda amniga ku faro galin gudashada waajibaadkooda shaqo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay dowladda culays ku hayaan waalidiinta ilmahooda loosoo xiro arrimo burcadnimo, taasoo uu sheegay inay u muuqato inay difaacayaan dambiilaha burcadka ah ee laga joogi waayay.

‘War haddaan Tuuggii daba kacno, oo Shabaabkii waa qaraabo dhahno, oo qofka nagu jufada ah aanba u arag inuu qatar nagu yahay. War waxa na dila waa kuwa nagu qaraabada ah. Waa kuwa yaqaana meesha aan ku nool nahay iyo meesha aan ku hoyano,’ayuu yiri madaxweynuhu."

Madaxweynuhu wuxuu sheegay cid kasta oo aan dambi lahayn inaysan iska xirnaan doonin oo baaris kadib lasoo siidayn doono, wuxuuna bulshada gobolka Banaadir ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loosoo afjaro amni xumada iyo burcadda hubaysan.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmay, iyadoo laamaha amnigu ay xireen in ka badan 500 oo dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay yihiin cayaal weero.