4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Maxaa ka jira inay dowladda Itoobiya dishay saraakiil sare sare oo katirsan Alshabaab?
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa kasoo hadlay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al Shabaab, xilli dowladda Itoobiya ay sheegtay inay ku dishay dagaaladii shalay ka dhacay gobolka Bakool.

Kooxda Alshabaab ayaa sidoo kale beenisay in Fu’aad Shangole oo isna katirsan saraakiisha sare ee Alshabaab lagu dilay dagaaladii ka dhacay degmada Aato.

Warkan ayaa kusoo beegmay, saacado kadib markii dowladda Itoobiya ay shaacisay in ay dishay 3 kamid ah hogaamiyayaasha sare sare ee Al Shabaab.

Wakaaladda wararka Ethiopia ENA, oo soo xiganaysay Sarreeye Gaas Tesfaye Ayalew oo ah madaxa howlgalinta ciidamada difaaca Ethiopia, waxay sheegay in la dilay seddex kamid ah hogaamiyayaasha Alshabaab oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha, Fu’aad Shangole.

Sida uu General Tesfaye sheegay; Maalmihii ugu dambeeyay waxaa ciidamada Itoobiya u suuragashay inay burburiyaan hubkii ay kooxda Alshabaab u diyaarisay in ay ku weerarto Itoobiya, tallaabadaas oo uu sheegay inay iska kaashadeen ciidamada cirka ee Efederi.

Itoobiya masoo bandhigin caddeymo xaqiijinayay dilka saraakiishan, kuwaas oo lagu tilmaamo inay yihiin maskaxda ka dambeysa dagaalada ka socda gobolka Bakool iyo xadka labada dal.

Alshabaab ayaa dagaaladan ku dishay ciidamo badan oo katirsan Liyuu Booliiska, kadib markii shalay ay dagaal rogaal-celis ah kusoo qaadeen Liyuu Booliiska.