4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2022
Soomaaliya oo markii ugu horreysay shatiyo siisay Bangiyo shisheeye
 

Axad, Luulyo, 3, 2022 (HOL) - Bangiga dhexe ee dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah shaaciyay inuu siiyay shatiyo ganacsi laba bangi oo laga leeyahay dalal shisheeye.

Bangiga Misr ee dalka Masar iyo Ziraat Katilim oo laga leeyahay Turkiga ayaa noqonaya Banggiyadii ugu horreeyay ee caalami ah oo ka howlgalaya gudaha dalka, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Bangiga.

“Shati siinta labadan bangi waxay soo martay bilo la maray habraac ballaaran. Labadaba waa bangiyo adag oo wax badan kusoo kordhin doona horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kana qayb qaadan doona kobaca dhaqaalaheenna," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Ku dhawaaqista bangiyadan ayaa ku soo beegantay lix toddobaad uun ka dib markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo xiriir dhow laleh dalalka laga leeyahay bangiyadan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]