4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo sameeyay magacaabidiisii ugu horraysay
 

Axad, Luulyo, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimayaasha xafiiskiisa iyo la taliyayaashiisa arrimaha siyaasiyada, amniga, dib uheshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

War qoraal oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa ugu horrayn lagu sheegay, in raysal wasaaruhu uu xoghayihiisa joogtada ah u magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr, oo horey loo hadal hayay magacaabiddiisa.

Dadka kale ee la magacaabay waxaa kamid ah, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ahaa weriye caan ah oo madax ka ahaa BBC Soomaali qeybteeda telefishinka. Waxaana loo magacaabay afhayeenka xukuumada ahna agaasimaha warfaafinta xafiiska raysal wasaaraha.

Sidoo kale, Kamaal Guutaale oo kamid ah siyaasiyiinta ayaa loo magacaabay la taliyaha amniga raysal wasaaraha, halka Cali Cabdi Awaare oo xilal kasoo qabtay Puntland loo magacaabay la taliyaha xafiiska raysal wasaaraha ee arrimaha dib uheshiisiinta.

Waa magacaabidii ugu horraysay ee raysal wasaaruhu sameeyo tan iyo markii xilkaan loo magacaabay, waana mid kamid ah shaqooyinkiisii ugu horreeyay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]