4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2022
Boqoradii codka Khadra Daahir Cige oo Hargaysa lagu aasay
 

Sabti, Luulyo, 2, 2022 (HOL) - Maydka fannaanadii waynayd ee Soomaaliyeed  Khadra Daahir Cige, oo xalay ku geeriyootay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, ayaa saaka lagu aasay xabaalaha Halleeya ee bariga Hargaysa.

Aaska fannaanada ayaa waxaa kasoo qaybgalay boqollaal qof oo iskugu jira masuuliyiinta xukuumada Somaliland iyo axsaabta mucaaradka, fannaaniin, abwaano, saxafiyiin iyo dadwayne kale, kuwaasi oo si qiiro leh uga hadlay shakhsiyadii Khadra Daahir.

"Walashay Alle ha u naxariisto, inantaydii Alle ha u naxariisto, qof qaaliya ayay ahayd, marwo ayay ahayd fanka iyo umadaba waxay ku lahayd magac aan gaboobayn, Ilahay waxan ka baryayaa magicii iyo sharaftii ay ku lahayd iftiinka, inay akhirana ku hesho" Abwaan Xasan Cabdillaahi Xasan Ganay, ayaa sida yidhi isaga oo ilmaynaya.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa isna fannaanada ku sifeeyay in ay ahayd qof cibaado badan, isaga oo geerideeda ka tacsiyeeyey shacabka Somaliland iyo umada Soomaaliyeedba.

"Iyada oo ehelu cibaado ah ayay dhimatay, ehelkeedii iyo asxaabta iyo bahda warbaahinta iyo warfaafinta iyo Somaliland iyo umada Af-Soomaliga ku hadasha oo dhan Alle samir iyo iimaan haka siiyo" ayuu yidhi Wasiir Toorno.

Wariye Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in Khadra anay 20 kii sanno ee u danbeeyay fanka shaqo ku lahayn, isla markaana ay cibaadada awooda saartay, isaga oo Alle naxariis uga baryay.

"Khadri 2004 wixii ka danbeeyay fanka shaqo kumay lahayn, waxay ahayd qof xaga cibaadada u leexatay, way soo xajisay intaan ogahay 3 jeer, Ilahay naxariistii jano haka waraabiyo" ayuu yidhi Wariye Xasan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ka wakiilka madaxweynaha Somaliland, ayaa Alle naxariis uga baryay fannaanad Khadra Daahir, isaga oo sheegay in ay isku fil ahaayeen caruurnimadii.

"Nin ba in ayay u joogtaaye aniga Cabdiraxmaan ahaan waxaanu ahayn jiilkii isku da'ada dhawaa, ee isku beegnaa iskuulka lakiinse iyadu iyada oo fasalka 7aad ku jirta ayay ka baxday oo ay fanka gashay. Alle ha u narariisto" ayuu yidhi Saylici.

Dhamaan fannaaniinta, wariyayaasha iyo dadwaynaha kale ee kasoo qayb galay aaska Khadra Daahir Cige, ayaa Alle uga baryay in uu janooyinkiisa ku casuumo, iyaga oo sheegay in ay ahayd shakhsiyad qiimo leh.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]