4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2022
Madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir Cige
 

Axad, Luulyo, 3, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige oo xalay ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka mid aheyd tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha uu Alle uga baryay marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa, geerida marxuumad Khadra Daahir Cige waxaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dhamaantood Alle uga baryay marxuumada inuu ugu deeqo naxariistiisa Janno.

Allah u naxariiste marxuumadda ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay la jiiftay Isbitaalka International ee magaalada Hargeysa xanuun kuso booday 25-kii bishii lasoo dhaafay, kaasoo ugu dambeyn xalay ay u geeriyootay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online