4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2022
Ciyaar kubada kollayga ah oo Hargaysa ku dhex martay kooxaha dowlada hoose iyo Mitro Lions
 

Jimco, Luulyo, 29, 2022 (HOL) - Kooxda kubada kollayga ee Dowlada Hoose ee Hargaysa, ayaa 49 dhibcood iyo 45 dhibcood kaga badisay, koox lagu magaaco Mitro Lions oo ka timid dalka Maraykanka.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kubada kollayga magaalada Hargaysa ee Tima Cadde Studium, ayaa waxa soo agaasimay shirkada Dahabshiil iyo qaar kamid ah ciyaartoydii hore ee kubada kollayga oo uu ugu horeeyo wariye Cabdisalaan Herari, isla markaana ciyaartoyga kooxda Mitro Lions ayaa u mahadceliyay Dahabshiil.

"Waxan  u mahadcelinayaa Dahabshiil, waxaanu ka nimid America, waxan rabaa in aan u mahadceliyo, hooyo, kooxda iyo dadka nala socda, waxanaan laba mar u mahadcelinayaa Dahabshiil" waxa sidaa yidhi Maxamed Maxamed oo ka tirsan kooxda Mitro Lions.

Masuul ka tirsan shirkada Dahabshiil, ayaa sheegay in shirkadu ay marwalba u taagantahay dhiirigalinta dhalinyarada, waxaanu tilmaamay muhiimada ay leedahay ciyaarta garoonka Tima Cadde ku dhexmartay kooxaha Mitro Lions iyo Dowlada Hoose ee Hargaysa.

"Waxay marwalba shirkadu dhiirigalisa dhalinyarta caawana arrintan aanu u taaganahay, waa mid kamudan kuwii hore oo ah dhalinyarada ka timid cariga Maraykanka kuwaasi oo la dhacaya dhigooda dowlada hoose oo caawa ciyaar qurux badani halkan ku dhexmartay" ayuu yidhi.

Masuuliyiin ka socday Wasaarada Ciyaaraha Somaliland, oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay ciyaartan, waxayna u mahadceliyeen cidkasta oo gacan ka gaysatay qabsoomideeda.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]