4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2022
Qarax lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta ka dhacay magaalada Baydhabo
 

Jimco, Luulyo, 29, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax Miino oo lagu aasay afaafka hore ee Masjidka lagu magaaco Mubashir oo ku yaala xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo, xili laga soo baxay Salaadii Jimcaha.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ku geeriyooday Wasiirka Caddaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur iyo dadka kale oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad gaaraya toban ruux oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Allah u naxariiste Wasiirka dhintay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana laga hago meelaha fog fog, waxaana la tilmaamay in qaraxa ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa mid la doonayay in lagu khaarajiyo Allah u naxariiste Wasiir Sheekh Xasan Lugbuur oo la sheegay inuu ka mid ahaa Jameecadda ku Tukaneysay Masjidka oo ku yaalay meel aanan ka fogeyn hoygiisa.

Qaraxaan Maanta lagu khaarajiyay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa ku soo beegmaya, xili maalin ka hor  Al-shabaab ay qarax Ismiisaamin ah oo ka dhacay magaalada Marka ay ku dileen gudoomiyihii degmada Marko Cabdullaahi Waafoow iyo 11 qof oo kale.
    
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]