4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2022
Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay Nin ku eedeysan dil iyo dhaawac uu u geystay laba Hablood oo Walaalo ah
 

Jimco, Luulyo, 29, 2022 (HOL) - Kadib howgalo qaatay laba maalmood oo ay ku baadi goobayeen ciidanka Booliiska qeybta Bari ee gobolka Banaadir nin la sheegay inuu tooreey ku dilay haweeney mid kalana uu ku dhaawacay ayay u suurta gashay iney gacanta kusoo dhigaan, islamarkaana warbaahinta u soo bandhigaan.

Dhacadaan ayaa ka dhacday nawaaxiga Iskuulka Godeey ee degmada Kaaraan, waxaana la sheegay in dilka iyo dhaawaca labada hablood ee walaalaha ahaa uu ka dhashay, kadib markii ninka dhibka geystay ay ku wada murmeen caro  ama ciid uu ka qaadayay goob Biyo mareen aheyd oo haweneyda dhimatay gurigeda u dhaweyd.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasoow Goofjooge oo warbaahinta kula hadlay xarunta degmada Kaaraan ayaa sheegay in eedeysanaha ay ciidanka Booliiska kasoo qabteen meel ka baxsan Muqdisho oo uu u cararay markii uu dilka geystay.

"Ninkaan ku eedeysan dilka iyo dhaawaca baahalnimada ah ee laba gabdhood ee Walaalo ah, waxaan kasoo qabanay meel Muqdisho ka baxsan, hadana waxaa nala jooga ehalka dhibanayaasha, waxaana u gudbineyna Hay’adaha cadaaladda si sharciga loo marsiiyo" ayuu yiri Gaanshaanle Goofjooge.

Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo ah walaalka la dhashtay haweeneyda lagu dilay tooreeyda Ruqiyo Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu aad uga naxay dilka walaashiis, isaga oo u mahad celiyay ciidamada Booliska Soomaaliya ee gacanta kusoo dhigay ninkii dilay walaashiis, islamarkaana dhaawacay gabadha kale ee Habartartiis ay dhashay.

Seyga haweeneyda dhimatay Ruqiya Sheekh Axmed oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ka yimid dalka Koofur Afrika waxuuna codsaday in Cadaalada loo mariyo ninka gacan ku dhiigalaha ah ee dilay Xaaskiisa.

"Waxaan ku maqna dalka Koofur Afrika waxaa la isoo sheegay in la dilay Xaaskeyga waxaan reerkeeda ka codsaday inaan la aasin ilaa aan ka imaado wayna iga aqbaleen reerka, waxaan hay'addaha Cadaaladda ka codsanaya in ninkaan la dilo oo cadaaladda la ii marsiiyo" ayuu yiri Seyga Ruqiya Sheekh Axmed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]