4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2022
Ganacsatada Qaadka Miiroowga keenta Muqdisho oo ku dhawaaqay shaqo joojin laba Maalin ah
 

Jimco, Luulyo, 29, 2022 (HOL) - Guddiga ganacsatada ee ku mideysan dalada Qaadka Miiroowga keenta ayaa shirjaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho, waxay ku sheegeen iney joojinayaan mudo laba maalin ah qaadkii ay ka keeni jireen gudaha Kenya, kadib qiima koror iyo canshuur siyaado ah oo lagu kordhiyay.

Guddigaan ganacsatada ah ayaa ugu horeyn shirkooda jaraa'id ugu mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya oo ay sheegeen iney uga mahadcelinayaan dadaalkii uu dib ugu fasaxay keenista gudaha Soomaaliya Qaadka laga keeno dalka Kenya oo ay horay u joojisay dowladii ka horeysay ee madaxweynaha uu ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxay sheegeen guddiga ganacsatada Qaadka iney doonayaan in kulan fool ka fool ah la qaataan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu wax uga qabto dhibaatada ka haysata shaqsiyaad ay sheegeen iney yihiin siyaasiyiin iyo Xildhibaano hore oo doonaya iney suuqa kala baxaan iyo waliba wax ka qabashada dhanka qiima kororka Baaraleyda Qaadka iyo lacagaha canshuurta ah ee looga qaado garoonka Muqdisho.

"Waxaan ka cabaneyna shaqsiyaad doonaya iney suuqa inagala baxaan oo ah siyaasiyiin iyo Xildhibaano hore oo raadinaya shatiyo ganacsi, waxaa kaloo aan sheegayna inaan joojinay keenista Qaadka mudo laba maalin ah, qiimo koror beeraleyda ay sameyen darteed, sadax maalin ayaa keeni hayna qaadka waxan ku bilawnay lacag dhan 800 hadana waxay mari haysa 1200 waana qiimo koror siyaado ah, waxa noo sii dheer canshuur siyaado ah, waxaan madaxda ka dalbaneyna in arintaasi wax ka qabtaan" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Qaadka Miiroowga keenta.

Guddiga waxay sidoo kale sheegeen in qarashaadka beeraleyda Qaadka ay kordhiyeen iyo suuqa Muqdisho oo dhaqaale xumo la daalaan dhacaya aysan aheyn kuwa is kaafin kara saas darteed shaqo joojintooda ay soo dadajisay, iyagoona ka codsaday madaxda dowladda wax ka qabashada cabashadooda.

Qaadka laga keeno dalka Kenya ayaa dhawaan waxaa dib loogu fasaxay heshiisyo ay wada gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xusid mudan in horay ay u joojisay Qaadka Kenya laga keeno dowladdii madaxweyne Farmaajo oo xiliga dalka u fasaxday Qaad laga keenayay dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Hareeri.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]