4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool

Jimco, Luulyo, 29, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Aato ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar hoobiyaal ku bilaawday ku qaadeen deegaanka, dabadeedna uu bilaawday dagaal fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, walow aanan wali la ogeyn khasaraha ka dhashay dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta waxay u sheegeen inuu dagaalka saakay saameyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo isku socodka dadka, islamarkaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Bishaan gudaheeda waa markii labaad oo deegaanka Aato uu dagaal noocaan oo kale ah uu ku dhexmaro ciidamada Liyuu Booliska iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, todobaadkii hore ayay aheyd markii dagaal khasaaro badan dhaliyay uu labadan dhinac ku dhexmaray deegaanada Aato iyo Yeed oo xad beenaad la leh dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]